Tuesday, April 3, 2012

SHIRKII KA DHACAY:MINNEAPOLIS, MN 4/1/2012

SHIR KA DHACAY MINNEAPOLIS, MINNESOTA.

Waxaa Shirtey Beesha Gerikoombe ee ku nool Gobolka Minnesota Wadanka Mareykanka. Beesha oo ka wada hadleysey Arimo u khaas ah Beesha Meesha degan iyo Arimo Guud ee Beesha sida Shirkii weynaa ee isna dhacay isla maalintaas khadka Teleconference ka. Xubnaha Beesha oo si Toos ah ugu xirnaa shirkii weynaa ee Wasiirka Beesha Mr. Abdikariim Haji Abdi(buh) uu ugu waramayey Beesha.


Markii Danbena Beesha waxay guda gashey Arimii gaarka u ahaa oo ay ka mid ahaayeen Sida wax loo wada qabsan lahaa hadii wax dhib ah ku imaadaan sida qof dhinta iyo dhibaatoonyin kale.


Shirkii ka dhacay khadka Teleconference ka oo ahaa runtii mid aad u qiiro badan dad aad u badan oo gaarayey ilaa 90 qofna ay ka soo qayb geleen, ayaa waxaa kaliya oo laga codsadey qurba joogta Beesha Geri in ay muujiyaan Taageero buuxda xaga dhaqaalaha oo wax looga qabto arimaha siyaasada ee hada ka socda Somaliya. Wasiirka oo si weyn u baraarujiyey Beesha ayaa wuxuu u sheegey Beesha in uu si deg deg ah ugu noqonayo Somalia isaga oo hada ku sugan London, UK.

Waxaa sidoo kale isna siweyn ula hadley Beesha oo ku baraarujey in laga gudbo is qabqabsi iyo isu arag lafa hoose oo aan wax dan ahi ku jirin. Mr. Abdirasheed Ahmed Taabe oo ah Gudoomiyaha Guud ee qaabilsan  Koonfurta Somalia.

Midaas oo runtii Wasiirkuna ku taageerey iyo wax garadkii soo galey Khadka oo dhan. Waxaad moodaa sida runtaha in weli ay ku jirto Beesha dad aan u fekereyn hab heer sare ah iyo Gerinimo Guud. Midaas oo nasiib daro ah. Hase ahaatee, Sida runtaha hada Beesha Geri waxay mareysaa meel lagu wada farxo hadii ay ka faaiideysatana waxay haysataa  Jaanis weyn oo ay boorka ugaga jafi karto Mageceeda Daxaleystey.

Shirkaas oo sida runtaha wax tar weyn lagu yaboohay xaga dhaqaalaha laakiin sida uu Wasiirkuba ka dhawaajiyey aan u dhicin sida uu ka doonayey(dadka oo dhan oo aan wax wada balan qaadin) laakin waxaa la dhihi karaa wuxuu ahaa Shirkani Midkii ugu Mero badaan xaga dhiiri gelenta iyo wax huristaba(dadku iskuma jirin).


Waxii kasoo baxa gadaal ayaan idinka soo sheegi doonaa xaga siyaasada Beesha.


qore: Ali Daksale

No comments:

Post a Comment