Ujeedooyinkii Shirka Beesha Geri oo Wajer lagu qabtay 5ta - 7da April:
Sidii loo adkayn lahaa Midnimada Beesha Geri ee Kenya
2. Sida uga haboon ee beeshu uga qayb qaadan lahayd isbadalka siyaasadeed ee ku soo fool leh dalka, ka dib markii la hirgeliyey Dastuurka cusub ee dalka, kaas oo badalay qaab dhismeedka siyaasadeed ee dalka.
3. Sidii beeshu u samaysan lahayd maamul dhexe.
Shirka:
Shirka waxaa ka so qayb galay ilaa seddex boqol oo ruux, oo ka kala yimid, Nairobi, Mombasa, Garissa, Wajer town, Habaaswayn, Burdheer, Qaxootiyada, iyo dhamaan deegaanada kale ee ay beeshu degto.
Shirku waxuu socday 3 malmood - maalin la dajinayay ajandaha, iyo laba maalin, waxuuna u dhacay jawi aad u wanaagsan.
Hogaaminta shirka waxa waday kooxda Naiorbi ka tagatay oo u hogaaminayay Abdiqaadir Ahmed Hussein, ayna lasocdeen, General Ahmed Sh Faarah, Saalax Sh Faarax, Qaasim Macalin Omar, Abdiasiis Abdullahi, Abdihakim Mohamed iyo Feysal Abdikadir.
Maalintii koowaad ee shirka waxaa xooga la saaray in la dhagaysto ergooyinkii ka yimid degaanada iyo jilibyada beesha, si loo turxaan bixiyo waxyaalaha yaryar ee kadhexeeya beesha, iyadoo sidoo kale laga hadlay ujeedoyinka shirka.

1. Waxaa la dhisay Gudi hoosadyo matalayo deganada beeshu dagto oo ku salaysan jilibyada ay beeshu u qaybsan tahay,
2. Gudiyadaa ka dib waxaa lasameeyey gudi guud oo kooba gudiyadaas oo la shaqeya gudiga sare ee beesha ee Nairobi
3. Waxaa shirka si xamaasad lehoo aad u qiimo leh uga soo baxday in la doorto Garadka beesha geri ee Kenya ABDIQAADIR AHMED HUSEIN
4. Waxaa la isla gartay hadafka siyaasadeed ee beeshu ay yeelanayso,
5. In Hadafka siyaasadeed ee beesha ay hogaaminyaan gudiyadaas cusub iyadoo go'aanada uu leeyahay garaadka cusub.
Waxaa kale oo shirwaynaha garab socday shirar gaar ah oo ay yeesheen aqoonyahanada, dhalinyarada, oo iyagana lahaa xiiso gaar ah loogana hadlay horumarka iyo waxqabshada dhalinyarada badan ee shaqo la'aanta iyo jaamacad la'aanta ah.
Waxaa dadkii ka soo qayb galay qaarkood balan qaadeen inay bixinayaan waxbarashada ardayda ugu buundo sarayasa tuulooyinka Geriga dagaan ee degaanka Wajeer.
Waxaa sidookale loo doortay gudiyo xagga dhalinyarada ah oo heer degaan iyo heer qaran ah, waxaana gudoomiyE loogu doortay, Abdixakiin Mohamed Mohamud, halka Osman Sheikh iyo Abdi Axmed loogu doortay inay la shaqeeyaan.

Waxaa shirka ka dib hanblayo iyo bogaadinloo diray hogaanka cusub ee beesha Geri ee Kenya, oo ah shaqsi aad muhiim ugu ah horumarka beesha geri ee Kenya, leh kartideeda, aqonteda iyo sharafteeda, kuna xiri kara deegaanada kale ee Geri wayne, isla markaana ka gudbin kara xilligan adage e beeshu ki jirto,
Waxaan halkan hanbalyo uga diraynaa garaadka cusub ..GARAAD ABDIQADIR AHMED HUSEEN/
IMPORTANT NOTICE This communication contains information which is confidential and may also be privileged. It is for the exclusive use of the intended recipient(s). If you are not the intended recipient(s) please note that any form of distribution, copying or use of this communication or the information in it is strictly prohibited and may be unlawful. If you have received this communication in error please return it to the sender. We would be grateful if you would also notify the Head of ICT at Hass Petroleum Ltd of the e-mail, then delete it and destroy any copies of it. To contact the Head of ICT, please email ict@hasspetroleum.com
Farxad weyn bay leedahay waana tallaabo loo baahnaa.
ReplyDeleteWaad mahadsantihiin
Abdulkadir