Sidaa darteed ayaa waxaa bilaabatey raadintii Degmada, sidii loo heli lahaa meesha ku haboon Degaan ahaan.
Degmada waxaa loo eegayaa sida dadka degaan ka ahi ugu dhowyihiin, Sida ay meel biyo leh ugu dhow dahay iyo Sida ay suurto gal u noqon karto Xiriir ahaan magaalooyinka kale.
Marka sida aad aragtaan waxaa noo suurto gashay in aan helno "sawiradii" ugu horeeyey oo laga soo direy dadka degan deegaan kaas oo Beesha ah. Marka Degmada oo weli magaceeda laga fekero iyo sidii loo bilaabi lahaa howsheeda oo buuxda ayaa dad badan oo 'qurba" joogaa ay xil iska saareen in ay geeyaan qalabka aad aragtaan oo biyo ku shubidaha iyo wax yaalo kale oo ah biloowga Degaan.
Laakiin Runtii feker ahaan, waxaa loo baahan yahay in Beesha "GERI" meelkasta oo ay joogto in ay si buuxda uga qayb qaadato abuurida "DEGMDA" waayo maamulka loo dhisayo Koonfurta Somalia"JUBALAND" wuxuu ku saleysmayaa Degmooyin iyo xagee degtaa. Marka Beeshu waa in ay heshaa meel "FARIISIN" u ah oo ay ka soo baxdo.
qore:ali daksale
Shaqo wacan waa wax loo bahnaa keep on
ReplyDelete