SHIRAR LAGA FILAYO IN AY KA DHACAAN DEGMADA WAJEER, KENYA
Sida wararku nagu soo gaarayaan, waxaan la rajeynayaa in Beesha Geri ay Shir ku yeelato Magaalaga Wajeer, Kenya 4/6-4/7/2012. Shirarkan oo looga wada hadli doono arimaha ku saabsan sida loogu diyaar garoobi lahaa Doorashooyinka dhici doona Sanadka Danbe 2013 ee Kenya.
Marka Beesha oo Beryahan ba siweyn isu abaabuleysa meelkasta oo ay joogto ayaa waxaa laga rajeynayaa in ay go aamo fiican ka soo baxaan shirarkaas oo noqondoona wax ku ool marka la gaaro Doorashada Sanadka Danbe.
Beesha Geri ee ku nool Kenya Gaar ahaan ANFD ayaa si weyn ugu xiran arimaha Koonfurta Somaliya oo ay Deris yihiin, Midaas oo u sahleysa Beesha in ay kawada tashadaan labada arimoodaba iyaga oo isla jooga Meel. Maadaama ay dadka howsha ka wada Koonfurta Somaliya ay dhamaantood fadhigoodu yahay Wadanka Kenya.
Waxii kasoo cusboonaada, Dib ayaanu idiinkala soo socodsiineynaa.
qore:Ali Daksale
No comments:
Post a Comment