Wasiirka oo aad u kaashanaya Masuuliyiinta Sida: Mr. Abdirasheed Ahmed Taabe oo ah gudoomiyaha guud ee Koonfurta Somalia u qaabilsan Beesha, ayaa waxaa ay labadooduba ku dhiiri geliyeen in Beesha qurbaha joogtana ay jeebkooda huraan, kuwa gudaha joogana ay u diyaar garoobaan in ay asaagood wax la qaybsadaan,
Wasiirka oo labadii axadood ee lasoo dhaafey Khadka Teleconference ka soo galey ayaa wuxuu Axadii ugu danbeysey Mahad wey u soo jeediyey Dadkii sida fiican uga qayb qaatey lacag ururintii Axadii ka horeysey, sida runtaha dad ka mid ah Beesha ay aad isaga xilsaareen in ay jeebkooda u huraan Beeshooda,
Marka maamulka lacagah ayaa warbixin ku siiyey in ay Axadii hore lagu yaboohay lacag gaareysa ilaa $20,000 oo ay hada soo gaartey badan keedu. Midaas oo loo adeegsan doono badideeda, sidii Beesha Geri ay si buuxda oo aan mar danbe hadal ka imaan uga midnoqoto sida wax loo qaybsado hada oo ah 4.5 ka. Gudoomiyaha Guud; Abdirasheed oo maamulka howshaas(funraiser) haya ayaa wuxuu axadii dhoweyd soo jeediyey isaga oo mahadweyn u haya dadkii wax bixiyey laakiin aan weli fari ka qodneyn faanoole.
Gudoomiyaha oo maahmaaho, dhaqan, iyo Diiniyanba u tilmaamey in arintani tahay mid mahiib u ah beesha ayuu yir" Ogaada ninka ama gabadha bixisa maalkeeda maanta, taariikhdu ma hilmaami doonto" maadaama maanta Magaca Geri gaari doono heer uusan horey u gaarin.
Shirarkaas gaar ahaan kii ugu danbeeyey oo mid aad u xiisa badnaa oo suugaan badan lagu soo bandhigey; Sida Abwaan: Mohamed Abdi Ibrahim(gacma dheere) oo gabayo badan ka tiriyey meeshaas. ayaa iyana gabdhaha Beesha Gerina ay heeso loogu talo galey wasiirka iyo Buraanburo ka qaadeen Shirka.
Marka aan soo ururiyo. iyada oo aan wada ognahay in Beeshu maanta meel heersara mareyso Siyaasad ahaan, ayaa Wasiirku wuxuu soo jeediyey; in Beeshu ay degaan ahaan bilowdo magaalada Kismaayo wixii guryo ka iibsanaya meelo kale ha ka iibsadeen Kismaayo. Degmo ahaana waa in laga qodaa ceelal iyo rug ay reer baadiyuhu isugu tagaan agagaarka Kismaayo. Wasiirku wuxuu soo gudbiyey in uu raga uu u baahan yahay in ay ka qayb galaan tastuurka Somalia loo sameynayo uu ka ka xayndoono Nairobi badidooda.
waxaan kaloo idiin soo gudbin doonaa. sida aad u dhegeysan lahaydeen qudbooyinkii iyo Shirarkii oo dhan oo la duubey. nabarada lagu dhegeyso, waxaan idiin soo gelin doona khadka emailka. qofkii aan email group ka ku jirin hasoo codsado.
qore: Ali Daksale
No comments:
Post a Comment