Xaflad si  heer sare loo soo qaban qaabiyay ayaa kadhacday magaalada  London xafladaas ooy  soo  qaban qaabiyeen ururka dhalinyarada midnimo ee  beesha  geri koombe + sawiro.
Xafldaan oo hayd mid si heer sare ah  loo  agaasimay ayaa marka hore sida  caadada ah waxaa halkaas  lagu  furay  aayadaha  quraanka kariimka ah uu akhiyay sheikh  cabdi  fitaax
Intaa  kadib ayaa waxaa  halkaas kazoo jeediyay hadalo ah fuirtaanka xaflada  gudoomiyaha ururka dhalinyarada  midnimo ee beesha geri dr. siciid maxamed xasan isagoo sheegay ujeedada ay xafladani uqabteen ay ahayd sidii dhaqaale  ugu  uruurin lahaayeen sidii  sikuulka kuyaala magaalda 
 gaaboow gabdhoole  dayactir  loogu samayn lahaa iskuulkaas  ooy  dhalinyaro aad  ufara badan wax  kubartaan  balse  aan haysan agabkii  waxrasho iyo waliba dhisme  kuhaboon maadaama uu sikuulku  hada  kasamaysan yahay sarab iyo jiingad .
Sidoo kale waxaa isna  meeshaa hadalo aad  u qiiro badan kazoo jeediyay iyo waxa ay  diintu kaqabto sadaqada lagu  darsad iskuulada iyo ceelasha masaajidada i.w.m sheikh  cabdi fataax iyadoo  sidoo  kale  halkaas ay  kahadleen odayaal uu  kamidyahay cabdi  xukun oo  kamid ah 
nabadoonada  beesha  geri  ee reer uk iyo sidoo kale hooyooyin  dhalinyaro  iyagoo isku  wada  raacay in loobaahanyahay sidii wax  loogu  qaban  lahaa sikuulkaas degmada  gaaboow  gabdhoole .
Ugu danbayntii Xaflada ayaa kusoo  gaba gaboowday si heersare iygoo  dadkii kazoo qayb galay  xafladaas ay uriyaaqeen  sida wanaaagsan ay  usoo  qaban qaabiyeen dhalinyarada midnimo ee beesha  geri  xaflada iyagoo sheegayna inay  hiil  iyo hoona  lagarab taaganyihiin  dhalinyarada had  iyo  jeer  ..
By Siciid Ibrahim macalin cabdullahi  iyo  Geenyo Geri






No comments:
Post a Comment