Sunday, October 14, 2012

SHIRKII:AXADA 10/14/12


Maanta oo ahayd Maalin Axad ah North America ayaa waxaa isugu yimid Shirweyn oo ay ka soo qayb galeen Garaad ka Beesha Geri-koombe: Garaad Abdimalik Garaad Osman Garaad Ali. Garaad ka oo ay la fadhiyeen Masuuliyiin aad u badan oo la joogey Jig Jiga Ethiopia ayaa wuxuu hadalkiisa ku furey salaan iyo mahadcelin uu usoo jeediyey dadkii ka soo qayb galey Shirka oo ku baxayey khadka Teleconference ka.


Garaadku wuxuu si weyn uga hadley sida Beesha Geri ay u kala daadsantahay Gudaha dalka iyo dibadaba. Garaadku wuxuu dhaliil weyn u soo jeediyey dadka ku noo Diaspora isaga oo aan uga yareyn dhaliisha isaga iyo dadka gudahaba.


Garaadka oo ku wareejeyey telephone ka Siyaasi: Hassan Sh. Abdirahman Sh. Hassan ayaa wuxuu hadalkii Garaadka ku xoojiyey in ay u diyaar garoobi doonaan in ay wixii horey u dhacay oo khalad ah sixi doonaan. Hassan wuxuu ku darey in uu ka rajeynayo in dadka dibadu ay wax ka bedeli doonaan wax qabadkooda oo ay wax tar muuqda ka sameyn doonaan dalka iyo Garaadka howshiisaba. Telephone ka oo raga kale oo badan uga danbeeyey ayaa waxay ku soo gaba gabeeyeen in ay xagooda ka dadaali doonaan. Sida in ay la kulmaan maamulka Somalida sida Madaxweynaha marka ugu dhakhsaha badan. iyaga oo kala hadli doona dhibaatooyinka ka haysta beesha dhicayada kala duwan. Sida siyaasada, degaanka iyo dagaalada lagu hayo Beesha.



Garaadku wuxuu ugu danbeyntii codsadey in la sameeyo Gudi u dhexaysa labada dhinac oo ka koobnaata 3 qof dhinac kasta. Waxaa kaloo Garaadku codsadey in dib la isugu soo noqdo Axada soo socota Shirkale oo halkaas lagu magacaabi doono Gudiyada ladhisi doono.




Dhinaca Diaspora waxaa u hadley markii hore. Gudoomiye: Hassan Abdullahi Ducaale. oo hadal dheer usoo jeediyey Beeshu guud ahaan. Sigaar ahna ula hadley Garaadka iyo Odayaashii la fadhiyey. Hassan wuxuu u cadeyey in ay Garaadku oo ah Hogaanka Beesha in uu ka seexday howshiisii oo aad moodo in Maanta Beeshu dib u siisocoto iyada oo la dhihi karo. Beeshu waxay gaartey guulo fiican. Sida madaxweyne ku xigeen, Degmo Cusub iyo Siyaasiyiin kale oo loo ogolaadey.

Laakiin hada Beesha Madaxweyne kuxigeen kii laga qaad. Degmadi ma dhismin Siyaasiyiin kalena waa laga xayuubshey Xilkii. Waxaa kaloo Sifiican uga hadley Dr.Hussein Sh.oo isna siweyn u cadeeyey sida loo kala daadsanyahay. Dr. Hussein wuxuu aad u adkeeyey in midnimada lagu dadaalo oo Garaadku ogaado in uu yahay madaxa Beesha. Dadweynuhuna ay u aqoonsanaadaan midaas.

Sida runtaha dadka kasoo qayb galey oo aad u badnaa ayaanan halkan ku soo koobi karin intii qof ee ka hadashey Shirka Sida Abdulkadir Abdi Guudle oo ka mid ahaa dadkii soo abaabuley Shirka Qaabilsanaana Xiriirinta Garaadka ayaa si weyn u taageerey sida ay Dr. Hussein iyo Raga kaleba u hadleen.


Waxaa lagu soo gabagabeeyey Shirka in la magacaabey Sedex qof oo noqon doona Xiriirka Diaspora u dhexeeya Gudaha.Iyaga oo laga rajeyndoono in ay dadkale ku darsadaan Gudida. Sedexda Qof oo la magacaabey iyada oo la eegayo meelaha loo badan yahay degaan ahaan. ayaa ah:


 Hassan Abdullahi Ducaale(Jabhad)________North America.
Abdulkadir Abdi Guudle(guudle) _________Pacifica
Dr. Hussein Ali Ibrahim.________________Europe



Waxaa loo balamey in Shir la soo galo Axada Soo socota  iyo sidan:

Taariikhda:10/21/12
Wakhtiga: 12pm Minnesota Time: 10am Seattle Time. 6pm London Time.
nabarka: 218-936-4343
furaha: 4274


Sidaas iyo ka soo qayb gal wanaagsan.

qore: Ali Daksale
507-271-5897.
Rochester, MN USA


No comments:

Post a Comment