Saturday, April 28, 2012

SHIR WEYN: MOGADISHU, SOMALIA.

Shir Wada tashi ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Shalay oo ay taariikhdu eheed 27 April 2012, ayaa waxaa magaalada muqdisho ka dhacay shir wada tashi ah , shirkaas oo ay marti ku ahaayeen, Wafuudii ka timid Nairobi oo uu hogaaminayey Ugaas Cabdiqadir Sh.Muxumed Bille.
Shirkaas ayaa waxaa uu ahaa mid aad u weyn kaas oo ay soo abaabuleyn Gudiga Siyaasada muqdisho.

Gudoomiyaha gudiga Siyaasada Mr.Axmed Osman Mukeyf oo ka soo jeediyey qudbad aad u dheer ayaa wafuuda u sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayey garabkoodane taaganyihiin wax ale wixii ay u baahanyihiin ee lagarab taaganyihiin maadaama ay ka yimaadeen meel fog si ay beesha wax ugu qabtaan. Waxaa oo kaloo uu ku daray gudoomiyaha in ay ilaaliyaan odayaasha gudiga nidaamka u degsan aysan cidne ka hadli Karin Media ilaa wararka baxayo uu gudiga tafatiro.
Waxaa kaloo madasha ka hadlay u qeybsanaha arimaha siyaasada beesha Mr.Abdirizaq Yusuf Ahmed Duqow , kaas oo ka hadlayey sabaha gudigan Siyaasada loo dhisay ee tahay in markii ay arkeen in aysan jirin wax siyaasiin oo beesha ah uu u soo dhicinayo xaqii ka maqnaa beesha, aqoonyahanadiine ee iska fadhiyaan dibada.
Ugudambeyntii waxaa ka hadlay madasha shirka Mudane Cabdiwaaab sanweyn oo si weyn ugu mahadceliyey gudiga Siyaasada muqdisho , kuwaas oo u horey naftooda iyo waqtigooda sidii xaqaqa ka maqan beesha loo soo celinlahaa, waxaa kaloo uu kudaray in wafuuda timid ay waxku daraan mooyee aysan waxba idinka dhibeynin.
Isku soo wada duudoob , shirkani ayaa waxaa uu ahaa mid farxad weyn galiyey gudiyadii ka jiray muqdisho taas oo dar dar gelindoonta waxqadabadkii gudiga.
Muqdisho ayaa waxaa hadda buuxdhaafshay hotel lada wafuud ka timid qurbaha iyo gobalada kale ee soomaliya si ay uga qeyb galaan shirka dastuur u sameynta Soomaliya, inkastoo siweyn loo diidanyahay dastuurkan hadane waxaa socodo abaabul oo ay beel weliba is abaabuleyso.
Mahadsanidin
Cabdiqani Cali axmed
Xiriiriyaha Arimaha Dibada Gudiga Siyaasada Beesha Muqdisho

No comments:

Post a Comment