Saturday, March 17, 2012

SHIRWEYN OO BEESHA KA DHACEY-MOGADISHU, SOMALIA.

Shir Ka dhacay magaalada Muqdisho



Shalay oo ay taarikhdu aheyd 16 March 2012  waxaa magaalada muqdisho (Hotel Naasaa Hablood 2)ka dhacay  Shir aad u weyn oo isugu yimaadeen Waxgaradka beesha Gerikoombe ee degen muqdisho iyo nawaaxigeeda.



Shirka oo ay abaabuleen ururka Geri ee Magaalada Muqdisho. U jeedada shirku waxuu ahaa   soo dhaweynta  Wasiir ku xigeen Beesha Mr.Abdikarim Haji Abdi Bux.Shirka ayaa waxa lagu furay aayado quraan ka dib waxaa ka hadlay madasha shirka Mr.Abdikarim oo u sheegay wax garadka beesha arinta uu u yimid muqdisho iyo xaalada siyaasadeed halka ay mareyso haatan. Waxuu wasiir ku xigeenku sababta keentey in uu ku biiro dawlada iyo halganka loo soo marey arintaas. Waxuu si cad u sheegey in ujeedadu tahay sidii Nessus gari ay kuraas ugh heli lahaayeen gobolka Jubada hoose.

Wasiir ku xigeenku waxuu sheegey in uu aad u adeegsado warbaahinta Sabatoo ah buu yiri waa meesha ugu fiican ee dadbadan magaca reerka lagu gaarsiin karo. Waxuu nagu booreyey in aan isticmaalo warbaahinta intii awoodaydu gaari karto. Mgaca beesha Waxaan lagu soo nooleyn karaa kaki duubnaan iyo ismaqal iyo lacagta oo qadiyada loo huro.

Waxaa uu Mr.Abdikarim ku daray in uu diyaar u yahay in qolyaha xaqa Geri ku maqanayahay uu ka soo dhiciyo oo aaney mar danbe dhaceyn in Geri cidlo la diro. Waxuu sheegey in Gari xaqiisa heli hadii Jaaliyada dibada ay xilkooda dhaqaale iyo cilmi u gutaan sidii lagu yaqaaney.
Waxaa ah arin laga naxo in beesha Geri ee qurbojoogta ah dhexdeeda ay koox yar oo dano agar ah lihi ay qas iyo qilaaf ka dhexwado laakiin uu sheegey in la iska qabanayo. uu sheegay.

Waxaa madasha shirka ka hadlay Madune Ali Nour Ahmed Weli oo sheegay in aan qilaaf waxba soo kordhin Karin in uu wax bur buriyo mooyee. Wuxuu kaloo ku daray in dowladihii hore ee Soomaliya aan xitaa la helin Wasiir kuxigeen ee manta tahay farxad in aan masraxa siyaasada soomaliya ka

Waxaa halkaasi ka hadashay Marwo: Nafiso Sheikh Ahmed Nour   oo u sheegtay in manta Sixirkii Geri uu buray taas oo eheed Geri Rogan , waxaasa loo baahanyahay in lala dagaalamo nimankii diiday in aan Soomali wax la qeybsano wexee kaloo ku taageertay in manta Geri uu san u baahneen qilaaf iyo kala jar jar waayo asagaa ba u baahan wax soo uruuriyo.
Waxaa madashay ka hadlay Nabadoon Hassan Dukaale Cismaan   oo asagane si weyn u taageeray firfircoonida Wasiirka Kuxigeenka Mr.Abdikarim Haji Abdi Bux wuxuuna u sheegay in manta loo baahanyahay in gacanta lays qabsado si loo gaaro ujeeda fog ee beesha leedahay.
Waxaa kaloo ku daray in isbadalkasto oo ka dhacayo wadanka xaga siyaasada loo bahanyahay in aan diyaar u noqono si aan uga qeyb qaadano.
Waxaa kaloo madasha shirka ka hadlay Ugaas Cabdiraxman Cisman Macalin Sagal ( Cabdidheere) oo qud bad dheer ka jeediyey madashay, wuxuu ka hadlay sabaha ay beesha wax ku weysay in ay tahay 3 qodob oo kala ah:
1) Geri deegaan muuqda kuma leh Soomaliya sida degmo ama gobal
2) Dalka waxaa ka dhacay dagaalo sokeeye , Geri malaho qab qablo dagaal oo labarto
3) Geri   gacasato waa weyn loo laga yaqaano  Geeska Africa sida Djabouti, Kenya and Ethiopia ma leh.
Waxaa kaloo Ugaas cabdidheere ka hadlay sida beesha wax ku heli karto mustaqbalka dhaw iyo mustaqbal ka fog:

Mustaqbal ka dhaw sida ay beesha wax ku heli karto
Sida uu qof weliba og yahay Soomaliya wexee maanta wax ku qeybsataa 4.5 , Geri waxaa uu ka mid yahay Daarood gaar ahaan marka ay qeybsi timaado HARTI marka waxa loo baahanyahay in uu Geri sameeyo wafdi sare oo la kulmo HARTI si loo qoro magaca KOOMBE  ama inla qoro 5 daarood laga dhigi 6 si ay beesha wax u hesho. 

Mustaqbal ka Fog sida ay beesha wax ku heli karto
Mustaqbalka fog waxaa lagayaa baa in soomalidu wax ku qeybsato deegaan oo laga baxo 4.5 marka geri wuxuu wax ku heli karaa in uu helo deegaan Koonfurta Soomaliya taas oo haddii la helo Ciidan difaaca hadda ka dhigi karto deegaan.

Isku  soo wada duuduub shirkane ayaa wuxuu u muuqday in uu yahay mid dhiiri gelinayo waxgaradka beesha ee degen muqdisho.

Magacayada Dadka ka soo Qaybgaley Shirka(reer Mogadishu)

1:Ahmed Osman Mukeyf

2:Abdirizak Yusuf Ahmed Duqow

3:Ugaas C/raxman Osman Moalim Sagal

4:Abdimuse Mohamed

5:Mohamed Said Sheikh

6:Abdikafi Hirsi Yusuf 

7:Mohamed Dahir Sh.Ahmed Nour

8:Ali Adan Yusuf

9:Ali Nour Ahmed Weli

10:Hassan Dukale Osman

11:Hidaayo Hassan Jamac

12:Nafiso Sh.Ahmed Nour

13:Aasho Hassan M.Mohamed

14:Sahro Ahmed Yusuf

15:Jamad Adan Yusuf

16:Mohamed Abdi Hassan

17:Farax Ibrahim Ahmed ( Farax Puntland )

18:Abdilahi Moalim Suleyman

19:Ahmed Hassan Dukale

20:Abdikani Ali Ahmed

Shirka waxaa ka soo qeyb galay Dadka hoos ku qoran


Prepared by: Abdikani Ali Ahmed  
Date: 16/03/2012

1 comment:

  1. MashaAllah shaqo fiican waaye ,Waxaan jeclaan lahaa in aan ka soo qebgalo shirarka muqdisho kadhacay plz call me +252616883608

    ReplyDelete