The year of 2012 Plan
By: Rashiid Axmed
Sida aynu ognahay, arinta kor ku xusan waxa markhaati cad u ah ka maqnaanshaha beesha qaab qabiileedkii Soomaalidu ay wax ku qaybsatay ee loo yaqaan "4.5 ka". 2. Deegaan Runtii, Geri deegaan wuu leeyahay. Nasiib daro ayay tahay in maanta oo aan deegaan ku leenahay, Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada dhexe, Baay iyo Bakoolba hadana la ina waydiiyo xagee ayaad degtaan marka aan isku dayno in aan ka qaybgalno siyaasada Soomaaliya. Tusaale ahaan sidii uu sheegay Cali Khaliif Galaydh markii la waydiiyay sadkii Geri ee uu ku Jawaabay "Itoobiyaan waxba looma qaybinayo".
Geri marwalba wuxuu ciidan la’ekaa ama ka badnaa qabiilooyinka dhigiisa ah ee ay deegaanka wadaagaan. Waxa nasiib darro noqotay in awoodoodii ciidan ay ku adeegtaan qabiilooyin kale kuna fushadaan danahooda gaarka ah. Danahaas oo ay ka mid yihiin dhaca sadka Geri iyo xaqiridda xuquuqdooda. 3. Dhaqaale Beesha Geri Koombe meel kasta oo ay joogto, dalka dibadiisa iyo gudihiisaba, waxa ay ku jiraan beelaha ugu roon xaga dhaqaalaha. Beeshu waxa ay safka hore kaga jirtaa ganacsiga iyo xoogsatada ugu sarraysa bulshada Soomaliyeed. shaqsiyaadka beesha oo u hura dhaqaalahooda ayaa u keena beeli inay awood iyo xushmad ku yeelato bulshada dhexdeeda. Nasiib darro, beeshu waxay caado ka dhigatay in aysan yeelan nidaam ay awoodda dhaqaale-shakhsiyeed ay ugu bedesho mid beeleed. The year of 2012 Plan ROAD MAP TO UNITY, SUCCESS, PEACE AND PROSPERITY OF GERI TRIBE IN SOMALIA By: Rashiid Axmed II. Fursaddaha Maanta Geri ku Haysato Soomaaliya 1. Hiil iyo Hoo
Beesha Geri ee degan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya oo wadajir diyaar ugu ah sidii ay beeshu u soo dhicin lahayd xuquuqdeeda awood qaybsi iyo loolanka maamul-qaybsi ee Soomaaliya. : 2. ku Baraarugsanaan Qadiyadda: Beeshu meel kasta oo ay joogtaba waxa ay ku baraarugsan tahay ka qatanaanta awood qaybsiga ka jira Soomaaliya waxayna ka warqabtaa in la baabi’iyay jiritaankeena Soomaalinimo taas oo suurto gelinaysa in beesha si fudud loo abaabulo lana mideeyo. 3. Tiro, Tayo, Dhaqaale iyo Cilmi: Waxa nasiib wanaag ah in Beeshu leedahay awood buuxda oo xag Tiro, Tayo, Dhaqaale iyo Cilmiba leh oo haddii la mideeyo keeni karta horumar aad u wayn muddo gaaban gudaheed. 4. Hogaan: Waa fursad qaali ah in maanta qabiilku leeyahay dad hogaamin kara oo leh aqoon maamul, khibrad, karti, qadiyad iyo daacadnimoba oo heegan u ah in ay badbaadiyaan jiritaanka beesha. 5. Midaynta Daarood iyo Qarankaba: Beesha oo nadiif ka ah dhamaan dilka, dhaca iyo dhibaatooyinka dhex maray qabiilooyinka Soomaaliyeed ee uu keenay dagaalkii sokeeye ayaa waxa ay keentay in ay noqdaan qabiilka keliya ee isku keeni kara nabadayn karana beelaha Daarood iyo guud ahaan Soomaalida. Tani waxay keenaysaa inuu Geri xaqiisa ku helo si xushmad leh 6. Isbahaysi Qabiilooyinka kale: Beesha oo lafaha Daarood midwalba la wadaagta dhaqan, deegaan, dhalasho ama dhamaanba iyo beesha oo aan laga tirsanayn wax yeello ayaa waxay suurto gelinaysaa in ay si dhibyar gacan saar iyo isbahaysi ula yeeshaan lafaha Daarood. 7. Marxaladda Siyaasadeed:
dawladda kajirta Soomaaliya oo ah dawlad ku meel-gaadh ah iyo Soomaalida oo maanta marxaleeda awood qaybsi ee siyaasadeed ay ku salaysan tahay "4.5 qabiil", qayb ahaana ay ahaydin aan ka mid noqono Daarood laguna dhawaaqay in maamulka iyo awood qaybsiga dib la isugu soo noqdo sanadkan 2012 oo aan ka qayb qaadan karno haddii aan is-abaabulno.
Koonfurta Soomaaliya oo uu ka socdo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo lagu sugayo nabadda iyo mid siyaasadeed oo lagu dhisayo dawlad goboleed taas oo inoo suurto gelinaysa in aan la qaybqaadan karno dhaqdhaqaaqyadan si aan u sugno qaybteena maamul goboleed iyo qaranba haddii aan si deg-deg ah isku abaabulno. Waxa fursad qaaliya ah in; The year of 2012 Plan
III. ROAD MAP TO UNITY, SUCCESS, PEACE AND PROSPERITY OF GERI TRIBE IN SOMALIA By: Rashiid Axmed Xalka Xaalada ay Beeshu kaga Sugantahay Soomaaliya wakhtiga xaadirka ah Hordhac: In kastoo ay beeshu leedahay isammo, odayaal, culumaa’u diin, aqoonyaano iyo hogaamiyeyaal farabadan, ma aysan jirin nidaam wadashaqayn ah oo ka dhexeeyay. Aniga oo ah Rashiid Axmed Taabe, waxa aan ahay Gudoomiyaha Guud ee Beesha, waxaana la’ii xil saaray in aan beesha ku hogaamiyo sidii ay uga qayb geli lahayd awood qaybsiga ka jira Soomaaliya una sugi lahayd kaalinteeda qabiil muddo gaaban gudaheed. Qorshaha iyo nidaamka aan dayaarinay si aan ku gaarno guul la taabankaro waa sidan: 1. Hogaan, Abaabul, iyo Midnimo:
A. Hogaanka Waxqabadka Beesha ee Soomalia Gudoomiyaha guud oo ay shaqadiisu tahay hogaaminta dhammaan beesha dal iyo dibadba iyo gudi hoosaadyada u qaabilsan beesha arrimaha Soomaaliya Gudiga Nairobi: waxa aan ka aasaasanay Nairobi guddi siyaasadeed oo ay shaqadiisu tahay matalidda beesha arimaha ka socda Nairobi ee ku wajahan arimaha Soomaaliya. Gudiga Nabad Galyada: waxa kale oon aasaasnay guddi qaabilsan arimaha ciidanka iyo nabadgalyada beesha oo ka hawlagala gudaha koonfurta wadanka soomaaliya Gudiga Mogadishu: waxa isna aasaasmay oon xoojinaynaa guddiga siyaasadeed ee ka hawlgala magaalo madaxda dalka ee Mugadishu oo heegan u ah waxqabadka beesha Gudiga Dhaqaalaha ee Qurba Joogta: waxa aan dhamaystiraynaa dhismihii gudiga dhaqaalaha ee qurba joogta bishan Jannaayo gudaheeda Guddiga Xeryaha Qaxootiga: waxa aan isna howshiisa billaabaynaa dhamaystirka gudiga xeryaha qaxootiga ee Kenya sida ugu dhakhsaha badan NOTE: gudiyadan waxa ka dhaxayn doona wada shaqayn dheeraad ah iyo istaakulayn waxa ayna dhamaantood hoostagi doonaan lana shaqayn doonaan Gudoomiyaha Guud ee Beesha B. Waxaan dhammaan beesha Geri ka codsanayaa in uu qofwalba oo beesha ka mid ahi ku soo duceeyo in aan ku gulaysanno qorshaheenna. C. Waxaan idinka ballan qaadayaa
in aan ku hogaamiyo beesha nidaam hufan, dheelli tiran, muuqda oo daacadnimo iyo aaminnimo ku dheehantahay oo aan ka soo baxo, oofiyo, oo aan gutto axdiga iyo ballanta aan lagalo beesha una hagar baxo wax qabadka, hurumarka, iyo xaq u diriridda beesha.
in aan iska qaban doonno warxuma tashiilka, iskudiraha, danaystaha, kala qaybiyaha, ka soo horjeedaha midnimada iyo horumarka beesha kana difaacoi doonno cadawga dibadda. : The year of 2012 Plan ROAD MAP TO UNITY, SUCCESS, PEACE AND PROSPERITY OF GERI TRIBE IN SOMALIA By: Rashiid Axmed 2. Dhaqaale: Waxa hubaal ah in aysan qoys, qabiil ama ummadiba horumar gaadhi karin dhaqaale la’aan ama dhaqaale hurid la’aan. Sidaa daraadeed qorshahayga dhaqaale dhiska beeshu waa:
In aan sameeyo tiro-koobka iyo diiwaan gelinta dhamaan qurba joogta beesha.
In aan kasoo ururinno qurba joogta beesha oo dhan qaaraankii saldhiga qorshaha u ahaa ee lagu go’aamiyay shirka ($100) ugu danbayn bishan Janaayo 15keeda, 2012
In qof walba oo qurba joogta beesha ka mid ah uu bixiyo $25 bil kasta 15keeda, laga bilaabo Febraayo 2012.
In aan dhamaystiro qorshe dhaqaale ururin oo ay ka qaybqaataan beel waynta Geri ee ku sugan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, si loo gaadho qorshaha beesha ee ku wajahan Soomaaliya.
In aan sameeyo qorshe lagu xuso u hagar baxayaasha horumarka beesha laguna dhaleeceeyo qaaraan-diika hagrada hurumarka beesha taasoo lagu soo bandhigi doono saxaafadda gaarka u ah beesha.
Dhaqaalahan oo aan u qoondeeyay in lagu fuliyo qodobkan sadexaad ee hoos ku qoran. 3. Deegaan iyo ka qaybgalida Awood Qaybsiga Soomaaliya Waxa hubaal ah haddii uusan qabiil lahayn deegaan u gaar ah ama uu cid la wadaago oo uu ku magaacaban yahay in uusan ka qayb qaadan Karin nidaamka awood qaybsi ee ka jira Soomaaliya.
Sidaa daraadeed qorshahayga ka qaybqaadashada awood qaybsiga Soomaaliya waa sidan:
Waxan diyaariyay qorshe siyaasadeed oo aan ku helno qaybteena awoodeed ee deegaan kastsa oo beeshu degto iyo qorshe ay kaga qaybgasho awood qaybsiga siyaada Soomaliyeed ee "4.5ka" kaas oo lagu qaybsan doono 4ta sano ee soo socota.
Waxa aan diyaariyay qorshe dagmooyinka aan isla dagno beelaha kale aan kula qaybasanno maamullada loo samayn doono iyo qorshe midaynaya isla markaana hormarinayana abaabulkii assaasida degmooyinka cusub ee beesha u gaara ah.
Si loo ilaaliyo loona difaaco nafta, hantida iyo deegaanka beesha waa in gacan saar iyo daris wanaag lala yeeshaa beelaha dariska ah. Islamarkaana, si aan xuquuqdeenna loogu xad gudbin loona soo hawaysan, waa in diyaarinnaa ciidan xooggan. Ugu Danbayn:
Abaalbulkani waa mid loogu talagalaly in aan ku hormarino beesheenna uguna raadino xaqooda ee Marnaba looguma talo galin in aan beel kale wax ku yeelno ama ummad wax ku gaarsiinno. waxaan rajaynayaa in ilaahay nagu guulayn doono wax uqabadka beesheenna kana guulaysan doonno kuwii ka soo horjeeda jiritaanka beesha Geri. Waxaana dhamaantiin aan ka codsanayaa taageerada qorshahan horumarka beesha. Fursad waxaan haysanaa aan dib inoosoo marayn oo aad u qaali ah wakhtigeeduna aad u kooban yahay (1-3 months) taas oo aan ina soomari doonin 4 sano ee soosocda oo loo gudbi doona marxaladda dagmo wax ku qaybsiga.
in laga helo taageero buuxda dhammaan shacabka, isamada, odayaasha, culumaa’u diinka, aqoonyahanda iyo hogaamiye yaasha beesha, lagana wada shaqeeyo midminada guud iyo horumarka beesha.
in uu qofwalba oo beesha ka mid ahi ka soo baxo, oofiyo, oo uu gutto axtiga iyo ballanta uu lagalo aniga iyo beeshaba iyo in uu qofwalba oo beesha ka mid ah ii soo jeediyo wixii talo iyo tusaale ah ee anfacaya danteenna guud, aan qofna ii soo jeedinin arrin wax u dhimaysa midnimada iyo horumarka beesha. Gudoomiyaha guud:
ROAD MAP TO UNITY, SUCCESS, PEACE AND PROSPERITY OF GERI TRIBE IN SOMALIA
No comments:
Post a Comment