Friday, January 27, 2012

WASIIR KU XIGEENKA DASTUURKA IYO DIBU HESHISIINTA-SOMALIA

Mudanayaal iyo marwooyin:
 
Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux oo maanta loo magacaabay wasiirka ku xigeenka dastuurka iyo dib u heshiisinta. Cabdikariim hambalyo ayaannnu ku leennahay, waxaaananu kuu rajaynaynaa in Eebbe kuu fududeeyo hawshaas laguu igmaday oo runtii ah hawsha keliya ee wax ka qabadka u baahan mudadan kooban ee ka hadhay xilka xukuumadda. Waxa kale oo aannu iyana u hablayaynaynaa bahda Wardheer ( oo Cabdikariim laftiisu ka mid yahay) oo hawshaas u guntaday sidii looga midho dhalin lahaa. Ugu dambayn waa guul u soo hoyatay dhammaan Beesha oo ka maqnayd saaxadda siyaadda tan iyo intii ay dhacday xukuumaddii Soomaaliyeed.
 
Mahadsanidin Dhammaan
 
Axmed C. Xasan
 

No comments:

Post a Comment