Sallaan ka dib dhammaan Beesha Geri meel kaste ha joogen waa in aad Heeggaan buuxa aad gashaan si aad wax ula Qeybsataan Soomaali weyn oo dhan taas oo ku saabsan inaad ka Qeyb gashaan DHISMAHA DOWLAD SOOMAALIYEED.
Tan kale waxaa la idin ka raba in aad gacanta ku soo dhigtaan ugu yaaraan 5 Xildhibaan oo ah Baarlamaanka Cusub ee hadda la dhisaayo oo ka kooban 225 Xildhibaan, waxaa kaloo la idin ka raba in aad keentaan Qof Qiimo weyn ku dhex leh Soomaalida ahna Aqoon yahan u dhashay beesha oo kaas Qeyb Qaadan doona Doorasha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Dhacaysa Bisha Agoust 2012 Haddii Illah yiraahdo, waxaa kalo la idin ka raba inaad keentaan Odayaasha dhaqanka ee Beesah ee laga yaqaan Soomaaliya gudaheeda si ay ugu qeyb qaataan Shirweynaha la iskugu Keenayo Odaaysha Dhaqanka ee Soomaalida ee laga yaabo in uu Shirkaas ka dhoco Muqdishu, kaas oo looga hadlayo Awood qeybsi iyo Arrimo kale.
Taas waa iga dardaaran iyo baraarujin ee Hurdaada ka kaca ee waad huradaan, tan kale wax cusub ma jiraan ee aan ka aheyn war ay iga qortay Kismaayo news oo ah sidaan ka Aqriso halkaan.
No comments:
Post a Comment