Tuesday, January 17, 2012

Ururka hormarinta Siyaasada ee Beesha Geri koombe oo booqasho ku tagay Deegaanka(jasiira)


Guddoomiyaha Ururka dhalinyarada (Mr.Axmed Maxamed Cismaan Mukeyf) waxaa socdaalkiisa
ku wehliya Xubno Sare sare ee katirsa Ururka Siyaasada ayaa waxay socdaal indha indhayn iyo booqosho ah ku tageen Deegaanka jasiira duleedka muqdishu.

Ururka dhalinyarada Siyaasada Beesha Geri koombe uu horkacaye Gudoomiye Axmed mukeyf ayaa markii uu tagey deegaanka jasiira waxaa loogu soo dhaweeyey si heer sare ah, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Maamulka Dagaanka iyo dhammaan Bulshada deegaanka jasiira.

Ururka dhalinyarada oo booqasho gaaban halkaas ku tagey ayaa wuxuu soo indha indhaayey xarada qoxootiga Goobaha Wax-Barashada Caafimaadka iyo Bulshada Deegaanka ee Jajiira.

Ururka Siyaasada ayaa waxay la kulmeen dhammaan Bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan degaankada jasiira,waxayna kala hadleen dhibaatada deegaanka ka jirta; haddii ay ahaan lahayd dhanka wax barashada, dhanka Cafimaadka, dhanka Biyaha iyo Arrimo badan oo kale.

Kulan ballaaran oo ay ku qabteen goob fagaar ah ay ka soo qayb galeen Maamulka iyo Bulashada deegaanka ayaa waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Ururka dhalinyarada siyaasada beesha Mr.Axmed Maxamed Cismaan mukeyf) wuxuuna halkaas ka jeediyey hadal qiima leh isagoo tusiyey shacabka deegaanka sida ay ugu farax sanyihiin soo dhaweytii iyo marti gelintii ay u fidiyeen, wuxuuna sheegey in uu URURKA hormarinta Siyaasada beesha geri koombe wax badan ka qaban doono hormarinta deegaanka qaxotiga ayna u soo magacaabayaan wakiil Ururka dhalinyarada uga wakiil Noqda halkaas Wuxuu sidoo kale Axmed mukeyf sheegey in ay ka qebqaadan doonaan dhanka Wax barashda iyo caafimaadka qaxootiga,haddii alle idmo.

Waxa isna halkaas ka hadlay Nabadoon Aadan Xirsi Ali oo mar ahaan jirey Duqa degaanka jasiira, wuxuu sheegey Aadan Xirsi Ali in ay aad ugu faraxsan yihiin Booqashada URURKA Hormarinta Siyaasada Beesha geri koombe isagoo ugu baaqey ururka in ay aad uga shaqeeyaan hormarinta deegaannada iyo Goobaha waxbarashada.

Wuxuuna Nabadoonku ka dhawaajiyey sida loogu baahan yahay Urur dhalinyaro Siyaasi fir fircoon oo wax qabad leh, isagoo sheegey in ay waddanka walba dhallintiisu hormariso.

Intaas ka dib wuxuu ururku soo booqday iskuullada iyo goobaha caafimaadka iyo deegaanka weliba malcamadaha Qur’aanka lagu barto.

Ugu danbeentii Ururka dhaliyarada siyaasada beesha geri koombe ayaa sidoo kale booqday xarada rajo oo ay ku taalo degmada wadajir ee magaalada muqdishu,

Mahadsanid

Maxamed Cismaan yare Mogadisho Somaliya

No comments:

Post a Comment