TAARIIKH:3/18/2012: MEEL:MINNEAPOLIS: WADAN:MAREYKAN.
Maalintii Axada ahayd ayaa waxa ka dhacay shir ay galeen Beesha halkaas degan ee Beesha Geri iyo Godoomiyaha Qurba joogta Beesha Geri u qaabilsan Koonfurta Somalia: Mjr:Abdirashiid Ahmed Taabe.
Shirkaas oo halkaas isugu yimaadeen wax garadka Beesha rag iyo dumar, ayaa waxaa looga hadley sidii looga qayb geli lahaa gudiyo la sameyndoono oo ay leeyihiin beelaha ku abtirsada Koombe Kablalax. Beelahaas oo dhamaantoo Shirey Maalintii Sabtida ahayd, ayaa waxaa la isla gaarey in la soo xulo 25 qof oo gudi noqon doona. Gudidaas oo markii la qayb sadey waqooyiga America, ayaa waxaa ku soo aadey gobolka Minnesota 7 qof, waxaana loo qayb sadey sidan
3 xubnood: Majeerteen,
2 xubnood:Dhulbahante,
2 xubnood: Geri
Labadaas qof oo aan weli la magacaabin ayaa waxay noqondoonaan laba qof oo loo eegi doono sida ay aqoon ugu leeyihiin koonfurta Somalia. Waxa kalo la rajeynayaa in xubno kale ay kaga soo aadi doonaan beesha gobolada kale marka ay qaybsadaan.
Gudoomiyaha Abdirashiid iyo Beeshu waxay isla garteen in si weyn la isu abaabulo, dhaqaale la raadiyo lagu taageero arimaah siyaasadeed ee ka socda Koonfurta Somalia. Gudoomiyuhu, wuxuu u sheegey Beesha, in ay Beelaha Koombe codsadeen, in Beesha Geri ay diyaariso Ciidamada loo baahan yahay Koonfurta, iyaguna ay diyaariyaan wixii dhaqaale ah. Arintaas oo la soo dhoweeyey, hadana Beeshu waxay isla gaartey in aan cidna la isku haleyn ee iskood wax u qabsadaan. Waxaa loo balamey in Shirkale la isugu yimaado Sabtida soo socota reer Minnesota, si ay u magacaabaan labadaas Xubnood iyo in ay ka wada hadlaan arimaha Minnesota u khaas ah.
Gudoomiyaha waxaa halkaas lagu gudoonsiiyey waxii dhaqaale la hayey oo Dumarka Beeshu iska ururiyeen, Ragana waxaa laga rajeynayaa in ay sidoo kale sameeyaan, Gudoomiyuhu, wuxuu u sheegey in uu wixii soo gaara ee dhaqaale ah uu u diri doono raga ku howlan arimaha Siyaasada ee Koonfurta Somalia iyo reero hooda.
Wixii kaloo soo cusboonaada, waan idila soo socodsiineynaa sidii aad iiga barateen.
Sawiradii dadkii ka soo qayb galey Shirka qaar ka mid ah.:
No comments:
Post a Comment