WARBIXIN: 27 MARCH 2012
KALFADHIDII 2AAD OO AY YEESHAAN GUDIGA MIDNIMADA GERI EE NAIROBI
A;-Gudigu wuxuu Salaan Kal iyo Laab ah u dirayaa, dhamaan Jaaliyadaha Geriga, meel kastoo ay joogaanba.
B;- kadib markii Gudigu yeeshay kalfadhigii 2aad kuna lafaguray arimo badan isla markaa uruuriyey xogo badan, markaa kadib waxay isla garteen Ajandayaasha Beesha horyaala, ay noqdeen 6qodob.
6 Qodob
1;- Waxaan u sheegaynaa Beesha in howlo badan oo ku saabsan Jubooyinka kaas oo yeeshay Wajiyo badan iyo is maandhaaf, kana socdo Nairobi.
Tusaale
A, sida Mareexaan iyo Harti oo shir wada galay oo u qaas ah iyo is bahaysi.
B, halka Absamena uu xulafeystay Gudiga Beelaha Hawiye, kaas oo ay hogaaminayaan Gudoomiyahooda Xassan Xaad iyo Afhayeenkooda Axmeed diiriye, kuna casuumeen Nairobi, mudana Shir ku lahaayeen isla Magaaladan.
C, halka Beesha Shiikhaaleedna ay ku dhawaaqday Maamul Gobaleed dhamaystiran, kaa soo leh wasiiro iyo xilibaano, la sheegayna inuu salka ku hayo Madaxa Dowlada Federaalka ugu Sareeyo.
D,Taa soo tu lamid ah ay Muqdisho ka socoto.
2;-ka qayb galka Ansixinta Dastuurka iyo Dibu-heshiisiinta.
3;-Ayidoo la rumaysan yahay Maamul u samaynta Jubooyinka in ay ka dhacayso Muqdishu, sidaas la’adligeed in si degdeg ah Muqdisho loo tago, sida Wasiirkuba hore ugu baaqay, waa Mr,C/kariim Buux.
4;- Udiyaar garowga Awood qaybsiga Baarlamaanka, taa soo ah mida noogu daran, taas oo aynu ku baranay Casharadii hore inoo soo maray.
5;-Raadinta Deeqihii Wax-Barasho oo lagu qaybsaday 4.5, sida tii Turkiga baxshay iyo Beesha Caalamka, taasoo Beelaha Daarood, Beesha u yaraysatay ay qaadatay 100boqol, Anakana ka qatanahay joogtana noqotay.
6;- Sidaa daraateed waxaan ka Codsanaynaa Jaaliyadaha Beesha Geri meel kastoo ay joogaan inay Arintaa ayida ah ka Dhiidhiyaan kana Muujiyaan Talaabo ku Haboon, Taasoo aan u aragno in lagaga bixi karo Midnimo buuxdo iyo Wadajir Naf iyo Maalba.
Waxaan Diyaar u nahay Anagoo ah Gudiga Midnima Geri ee Nairobi, inaan idinla socodsiino wax kastoo ku Haboon Danta Geri, idinkana aan idinkaga baahanahay wada shaqayn,xiriir-joogto ah Taladiina iyo tusaalihiina.
Waxaa halkaan Duco Qaas ah Idinkaga soo jeedinayo Ugaas C/qaadir ShiikhMuxamedbile iyo Dhamaan Xubnaha Geri-Koombe ee Nairobi.
Waxaan Illaahay ka Rajaynaynaa siday tahay inaad u qaadataan
Mahadsanidiin
Nabad gelyo
By;C/qaadir Nuur X.muuse
No comments:
Post a Comment