12 up to 19/03/2012
Shir ka dhacay:- Magaalada Nairobi
kaas oo furmay 12 ka Maarso
Shirka oo lasoo gaba gabeeyey 19 ka maarso
Culumo-Awdiin,Ugaasyo iyo Qurbo-joog.
Waxayna ka kala yimaadeen Sedexda Xero ee Qoxootiyada iyo Nairobi, waxaa lagu lafa guray arrimo wax ku ool ah, waxaana ka soo baxay.
Go’aamada hoos ku qoran.
1:- Shirkan waxaa lagu soo xulay Ergo Geri oo ka qeyb geli doonto Shirka Muqdisho ee lagu ansixin doono Dastuurka iyo dib u Heshiisiinta Somalida iyo Arrimo kale oo la Xidhiidha dib u Dhiska iyo Maamul samaynta Somalya.
2:-Waxaa kale oo lagu doortay Guddi joogta ah oo Geri lagana soo xulay Sedexda Xero iyo Nairobi kana kooban dhammaan Lafaha Beesha Geri, kuwaas oo saldhigoodu noqon doono Magaalada Nairobi.
3:-Waxaa kale oo Shirkan lagu Go,aamiyey in la sameeyo Xidhiidh iyo wada shaqeyn joogto ah oo ka dhaxeeya Guddiga Nairobi,Muqdisho,
iyo Jaaliyadaha Dibadda.
4:-Waxaa kale oo shirkaas lagu Go’aan saday, in dardar cusub la galiyo tallaabo muuqatana la qaado si loo gaadho waxqabadka Beesha ubaahan tahay, lana iska fogeeyo wax alla wixii Khilaaf ama dib u dhac keeni kara.
5:-Waxaa kale oo isla Shirkaas lagaga wada hadlay in Ciddi Carqalad ku keeni karta isku Duubnida iyo waxqabadka Beesha si wadajir ah looga hortago.
6:-Waxaa kaloo laga wada hadlay in la abuuro Sanduuq Dhaqaale, Dhamaan meel kasta oo ay Beeshu joogto si loo daboolo baahiyaha degdega ah markasta yimaada.
CODSIGA IYO TALA SOO JEEDINTA GUDIGA GERI
1:-Guddiga Geri ee Nairobi waxay si xushmad leh uga codsanayaan dhamaan Beesha Geri meel ay joogaanba inay Qaddariyaan oo Tixgeliyaan,
Go’aamada ay ka soo saareen Shirkii Nairobi kaas oo u muuqda mid Waxtar u leh Beesha Geri.
2:-Waxaa kale oo Amaan ay usoo jeedinayaan Guddiga Beesha Geri ee Qurba-Joogta ah, Kuwaas oo la,arkay Howshii ay Tolka u hayeen Mirraheedii iyo Guulaheedii 3dexdii Sano ee ugu horeeyey, intii ka danbeysay Dhaliilahooda iyo waxqabad la,aantooda ay isa soo tarayeen.
3:- Waxaan Rajaynaynaa inay dib u Hanandoonaan Horumarki iyo howlihii looga bartay, Waxaan Illaahay ooga Baryeynaa in Xilkooda Illaahay u sahlo.
MAGACYADA GUDDIGA GERI EE JOOGTADA AH
5TA XERYAHA QAXOOTIGA KA TIMID IYO 5TA GUDDIDA NAIROBI
5Ta Xeryaha ka timid oo uu hogaaminayo Shikh maxamed sheikh cabdi faarax waxayna kala yihiin sida tan,1;- Sheikh Maxamed Cabdi Faarax(Inshaar) Tellophpne nom:+254701047434,
2;-Ganacsade Axmed Macalim Daahir(Shaneeye)
3;-Korneel Mursal Hiiraale ,
4;-Nabadoon Cabdinuur Xassan
5;-Nabadoon Dhuuboow Guudle,
5ta Guddida Nairobi oo uu hogaaminayo Abwaan Afhayeen Maxamed Cali Xassan oo ku magacdheer Xaad,
1;-Abwaan Afhayeen Maxamuud Cali Xassan(Xaad)
2;-Aqoonyahan Cabdisitaar sheekhMaxamed ,
3;-Aqoonyahan Axmedhaadi Sheekh C/qaadir,
4;-Ganacsade Xasan cadar (Fanax),
5;-Ibraahim Ismaaciil Bare,
Iyo Guud ahaan Ugaaska Beesha Geri Ugaas oo ah C/qaadir Shiikh Muxamad Bille
Qore:C/qaadir Nuur X.muuse
Qore:c/qaadir nuur xaajimuuse
No comments:
Post a Comment