Saturday, June 2, 2012

SHIR KA DHACAY:MOGADISHU SOMALIA.

Shir ka dhacay Muqdisho


Shalay oo taariikhdu eheed 1 June 2012 ayaa waxaa magaalada muqdisho ka dhacy shir, shirkaas ayaa waxaa looga hadlayey arimo farabadan oo ay ka mid ahaayeen:
1) Sii bixinta qarashaad ka Odayaasha
2) Xubintii la sugayey meesha ay ku dambeysay
3) Fursado Deeq Waxbarasho






Shirka ayaa waxaa marti ku ahaa Wasiir ku xigeenka beesha Mudane Cabdikarim Haji Buux.
Sida aad la socotaanba 24 April 2012 ayaa magaalada muqdisho waxaa soo gaaray 3 wafdi oo u hogaaminayo Ugaas Sh.Cabdiqadir Sh.Muxumed bille si ay uga qeyb qaataan shirka dastuur u sameynta Soomaliya kaas dib u dhacay ku yimid hada . Wafuuda ayaa waxaa la dajiyey mid ka mid ah hotelada muqdisho waxaana qarashaadkooda bixinayey Wasiir kuxigeenka beesha Mudane cabdikarim Haji buux, shalay wuxuu wasiirku sheegay in aysan jirin wax dhaqaalo ah uu hadda gacanta ku hayo si looga sii bixiyo qarashaadka hotelka odayaasha , marka uuna lahadlayey Jaaliyada beesha Geri si ay su soo dhiibaan qaraashaad ku baxayo weline aan lahaynin wax dhaqaalo sidaas darteed uu wasiirku u sheegay in cidii bixi karto la ambabixiyo cidii joogeysane ay jeebkeeda isticmaasho waayo dhaqaalo lama hayo.

Waxaan halkani uga baaqayaa anigoo ku hadlayo magaceyga iyo magaca gudiga Siyaasada muqdisho in Gudiyada North America, Canda, Europe and Pacific in ay iska xilsaaraan qarashaadka ku baxayo odayaasha, waana mid niyad jabweyn ah in iyadoo aan la gaarin dantii loo yimid ay odayaasha laabtaan sababo dhaqaalo awgeed:
Qarasha ku baxayo bil weliba waa $2280.00 waana break down ka hoos ku qoran:
S/N
Description
Qty
Unit Price
Total Amount
01
Hotel Rent
3 persons
15$ per day x30 days
$1,350.00
02
Food
3 persons
8$ per day x30 days
$ 720.00
03
Telephone Bills
3 persons
$ 70
$ 210.00
Grand Total
$2,280.00


Marka wexee joogayaan 3 bilood from June up to August inta ay wax kala baxayaan xagga siyaasada Soomaliya.marka fadlan hadii ay aysan jirin cid diyaar u ah in ay bixiso qaraashaadkaas noo sheega gudigeena muqdisho waxaan sameyndoonaa in aan Odayaasha dib u soo celino meelihii ay horey uga yimadeen.
Wasiir ku xigeenka Beesha ayaa sheegay weli uu la daalo dhacayo si loo helilahaa xubintii beesha wixii ka soo baxane waan idiin soo gudbin doonaa .

Waxaa kaloo gudiga siyaasada beesha ay soo bandhigeen in ay jiraan deeqo waxbarsho uu bixinayo turkiga taas oo loo soo marsiinayo dowlada , gudiga wexee kala hadleen arintaas wasiirku geenka si ay dhalinyarada beesha ay u helaan fursado waxbarasho , Mudane cabdikariim ayaa balan qaaday in loo soo gudbiyo liiska ardayda rabto deeqda waxbarasho gali kartane imtixaanka si uu ugu gudbiyo wasiirka waxbarasha Prof.Ahmed .

Shirka ayaa waxaa uu ku dhamaaday farxad iyo reereen.

Mahadsanidiin
Cabdiqani
Xiriiriyaha Arimaha dibada Gudiga Siyaasada Muqdisho


____________________________________________________

Abdikani Ali Ahmed
Mogadishu-Somalia
Cell Phone Number:+252615280297/+252695280297/+252616135092
E-mail :Abdikani14@hotmail.com/Abdikani14@yahoo.com
Skype : Abdikani.Ahmed

No comments:

Post a Comment