Wednesday, May 23, 2012

SHIRKII NAIROBI,

SHIRKII AXADA EE BEESHA GERI
MAY, 20,2012



Maalinkii axadda ahayd oo taariikhdu ahayd 20?05/2011, waxaa magaalad naiorbi ka dahcay shir ay isugu yimaadeen Aqloonyahanka iyo Dhalinyarada geri ee Kenya. Waxaa shirkan ka qayb galay Gudiyada dhalinyarada ee Degaanda Wajeer, habaaswayne, Gaarisa, mombasa, iyo Aqoonyanahada iyo dhalinyarada ku sugan naiorbi,
Shirkan waxaa abaabulay gudiiga dhexe dhalinyarada ee Beesha geri ee k,enya oo lagu soo sameeyey shirkii Ka dhacay bishii April Wajeer.
Ujeedooyinka Shirka.
1.Dib u eegidii waxyaalihii ka qabsoomay go,aanadii shirkii wajeer
2.Maxay tahay baahida beesha, gaar ahaan dhalinyarda
3.Sidee wax looga qaban karaa baahidaa
4.Sidee ilo dhaqaale loogu samayn lahaa.
Shirkaa waxa kale oo ka soo qayb galay oo lagu sharfay garaadke beesha ee kenya, Garaad Abdikadir Ahmed Husein, oo ka jeediyeye hadal aad qiimo u lhaa oo isgu jray wax tusaaal, dhiirigelin iyo baarujin.
Waxaa kale oo shirka ka hadlay Dr iidel Omar Sh farah, oo isna sidoo kale taabatay baahida saxda ee dhalinyarada.
Falanqyan dheer ka dib goaanadii shirkaa ka soo abxay wax ka mid.
1.In muddo 10 bari ah guduhood oo ku shaqeeyo Data Base page loo sameeyey beeshe Kenya ( www.geri.co.ke), iyadoo webkani uu yahay data base laga heli doono dhamaan xogta dhalinyarada, heererka waxbarasho iyo macluumaadka oo dhan, si ay ufududaato in cidii u baahan in qof beesha ah shaqo u raadiso ay halkaa uga heli karto qofka ugu mudan.
2.Webkani waxauu noqon doonaa mid la gato ka mid noqoshadiisa, iyadoo lacagtaa ka soo xaroota ay dib ugu noqon doonto dhalinta wax baranaysa
3.Waxa la smeeyey laba gudi ( task Force) oo kala qaabilsan waxbarashada, iyo ganacsiga isagoo mid walba laga sugayo warbixin sida wax looga qaban karo arimahaa 20ka June.
4.Waxaa la sial fgartay in shirka kale kan xiga uu noqod habaswayne.
5.Waxaa la qorsheeyey in safar lagu tago dhulka ay beeshu dagto xilligaas.
Shirkani waxaa uuku soo gabagaboobay jawi wanaagsan, waxaan shirka hogaaminayay oo si aad u wanaagsan u soo abaabulay , mahadiisan leh Gudoomiya ururka dhalniyarad Abdixakiin Mohamud

No comments:

Post a Comment