Tuesday, June 5, 2012

WAR BIXIN KU SAABSAN SIDA WAX U SOO BILOWDEEN IYO HADA JOOGA.


·         Xaga siyaasada dhanka beesha kaga jirto xiligan      

·         Xaga qarashaadkii loogu tala galey wafuuda




Ugu horeyn waxaa aan salaamayaa dhamaan jaaliyadaha beesha geri warbixin koobana idinka siiyo xaga siyaada iyo dhaqaalaha aan ku bilaabo xaga siyaasada

Baryahan waxaa jiray in ay beesha ku jaha wareersan tahay qaabka ay wax usocdaan arimaha dastuurka  iyo xubintiii beesha ay ka heli lahayd



Iyo sida loo qeybinayo waxayn wax u dhaceen ayadoo latixraacayo

Intii ka qeyb gashey in begati conference iyo qaabkii xaga loogu soo qeybsadey

Sida lawada ogyahay beeshu kama aysan qeyb galin

1.      Shirkii jabuuti 

2.      Shirkii qaahira 

3.      Kii ka dhacey Nairobi  inbegati

4.      Ugu danbeyn waxaan nasiib u yeelaney hal xildhibaan iyo wasiirkuxigeen



Oo ahaa in qaabka dastuurka looga qeyb galayo latixraacayo intii ka qeyb gashey shirkii inbegati oo ahaa  sidatan

·        Incidii laheyd- 16, ay yeelaneyso- 8 xubin

·        Cidii lahayd -    8 , ay yeelaneyso- 4 xubin

·        Cidii lahayd -   4-  ay yeelaneyso – 2 xubin

·        Cidii lahayd -  3 – ay yeelaneyso – 1 xubin

·        Marka beesha geri waxey lahayd 1- xubin waxey yeelaneysaa- 0,

Waxaana jira dadaalo iyo farsamooyin kale si wax loo helo wasiirkuxigeenka uu ku qanciyey odayaashu in rajadu fiican tahay

Oo ay ka dhaadhiciyeen raisul wasaaraha in beelo badan ay qeylinyaan

Si loo qanciyo ugu danbeyntii 3 odey in lagu darey oo inaga xubinteenii ay diyaarsan tahay sida uu noo sheegey wasiirku dadaal badan oo uu galey uuna kaseexan siduu usoo dhicin lahaa xaqa beesha uuna u yimid soomaaliya ay tahay qadiyada beesha gerikoombe

Waxaan dhihi karaa waa hogaamiye u baahan in lala shaqeeyo dhankasta,





Sidoo kale waxuu ka war bixiyey in qarashaadkii laga sugayey qolyaha jaaliyada

 aanan wali

Laga helin loona baahan yahay in laga fikiraa hamaiga aan leenahay iyo rajadu iney fiican tahay ee loo baahan yahay inta laga gaarayo ilaa august in la helo qarashaadkii ay odayaashu kaga qeyb gali lahaayeen   constitutionka  waayo  waa muhiim in laga fikiraa qadiyada beeshu geri koombe

Arintani  waa arin ay siyaasiyiinta beesha  geri ka seexdeen mar hore

Ayna sabab u yihiin wax walboo ku yimaadaa beesha geri ,

Waxaan dhihi karaa in loo baahan yahay in beeshu ka liidato laba dhinac

Oo ah xaga hogaanka iyo xaga dhaqaalaha aan ku bilaabo,



Hogaamiyuhu waxa uu muhiim u yahay hormarka iyo nolosha  aadamigu iyo si fiican ugu adeegidiisuna waxey suurta galineysaa in lagaaro halka la hiigsanayo hadii aan hogaamini jirin

Laguma guuleysan karo gaaritaanka iyo halka maanka lagu hayo, sidaa darted,



Waxaa lagama maarmaan ah in beesha geri  yeelato hogaamiyaal lajaanqaado siyaasiyiinta soomaalida kana qeyb gala shirar kastoo dalka dibadiisa ama gudahiisa taasoo katurjumeysa waaya aragnimadii laga dhaxley in aan la xaadirin meel walboo wax lagu qeyb sanayo



                                             XAGA DHAQAALAHA

Marka ugu horeysa sida aan ka warqabno malahan beesha acoun ugaar ah

Kaasoo katurjumaya in jaaliyad walba oo ku nool dibada  leedahay acoun loogu adeegayo bulshadooda iyo hormarka deegaanadooda kuwaasoo kor u qaadayo magaca beesha gaarsiin karana isku filnaasho iyo inaan latarno beelaha kale





Waa in gudiyo maaliyadeed ay sameeyaystaan kuwaasoo uqaabilsan arurinta lacagaha muhiimka u ah in wax looga qabto ama

Loogu adeegayo bulshada beesha gerikoombe  laguna shubaa 1 acoun ayadoo si wadajir ah oo kuna dheehan  kalsooni laisula shaqeynayo .





Waa arinta kaliya oo hormarka beesha lagu gaari karo

Waxaa hubaal ah in  maaliyad la,aan inaan bulsho hormar gaareyn danta beeshuna ku jirto in lahelaa maaliyada iyo bulsho ay ka go,an tahay qadiyada beeshu

Iney ka miro dhaliso waxaan rajeynayaa iney wax kamiro dhalin doonaan



BY: Abdirizak Yusuf.  












No comments:

Post a Comment