Saturday, September 29, 2012

DEGMADA CUSUB EE: GAABOW-GADHOOLE

Waxaa beryahan beeshu ku howlan tahay in ay dhameystiraan Degmadii la abuuray dhowrkii sano ee lasoo dhaafey.








Marka waxaa hada lagu guda jiraa sidii dadka qurbaha jooga ay u dirsan lahaayeen lacag loogu dhiso Boosas cusub oo ku yaala Demada. Sida naga soo gaareysa Koonfurta Somalia iyo maamulka Degmadaas cusub waxay sheegayaan in si aad ad ah ay dadkii u qabsanayaan boosaska Degmada Cusub. Marka Meeshaas oo maamul fiican loo sameeyey ayaa waxay maamulka dhismuhu soo saareen qiimaha dhulka iyo waxa loo dhisayo dadka la baxa lacagta.


Maamulka Degmada waxay soo saareen in ay soo saareen qiimo $600 oo dollar ah qofkii soo dhiibta in loo qaban doono boos dhan 50x50. Markaasna lacagta uu soo dhiibto looga dhisi doono:Hal qol oo Jiin gad ah iyo Deer weyn oo lagu soo wareejiyo Booska.


Maamulka Degmada iyo Gudida Dibada ayaa waxay u soo jeedinayaa dadweynaha Dhisanaya Meesha in ay rabaan in ay dejiyaan Degmada Dadka jooga Qaxoontiga iyo Baadiyaha u dhow inta laga gaarayo Mudo. Halkaas oo aan laga maarmi doonin in Dadka Dibada jooga(Diaspora) ay ka qayb qaataan dejinta dadka oo aysan ku deyn uun arinta "Guri iiga Dhisa oo albaabka u xira"



Sida runtaha Maamulka Degmada iyo Gudida Dibada oo howsha si fiican u wada hada ayaa waxay u sheegayaan dadweynaha Beesha Geri-koombe iyo hada howshu ay tahay sidee loo magaaleeyaan Degmada midaas oo la rabo in laga dhiso guryo aad u badan. Laakiin uu feker ka danbe yahay in magaaladu noqoto Magaalo weyn oo dadka hada Boosaska looga qabanayo ay ka dhisi doonaan Guryo Dhagax ay. Magaaladuna ay yeelado maamuladii loo baahnaa ee magaalo ku noqon lahayd. Gudiyadan Gudaha iyo Dibada oo gala shirar is daba joog ah ayaa waxay ku boorinayaan in Geri maanta ka faa iideysto wakhtigan kala guur ka ah inta aan maamul dowladeed uusan ka dhalan Koonfurta oo laga yaabo in la adkeeyo iska degid meel cusub. Ilaa iyo hada waxan u sheegeynaa in aan diwaan geliney dad gaaraya dhowr iyo Toban oo la baxay lacagtoodii oo aan ku tala jirno in loo gudbiyo Gudida Dhismaha si ay u bilaabaan dhismaha cusub. Ilaa hadana waxaa mar hore ba laga dhisey Degmada Guryo kale oo dhameys tirmey.


Waxaa kaloo wararku nagu soo gaarayaan in rag Beesha u dhashey oo ganacsato ah ay sheegeen ay keeni doonaan mashaariic iyo in ay u qodaan Degmada Ceel weyn oo Matoor la saaro Mastaqbalka.


qofkii raba in uu wax dheeraad ah ka ogaado sida wax u socdaan. ha ila soo xiriiro ama ha u soo diro email: gericommunity2007@hotmail.com


qore: Ali Daksale

1 comment:

  1. Is This A Legit Casino? | CasinoWow.com
    The online casino is one of 바카라사이트 the leading providers of real money games. 인카지노 It offers over 20 different games including roulette, 메리트 카지노 쿠폰 blackjack,

    ReplyDelete