
Ma dareensan tihiin geriyoow, In aan qayrkeen dabanaalo.
- Gumaystuhuna dirkii kula dhashay, Labo dibleeyeene.
- Labadaadii daan iyo afkii, Daadku kala qaadye.
- Toban doora, toban Daacadoo wada dadaalaysa.
- Toban danna guud jiroo, Dayrshay noloshooda.
- Toban dadwaynaha wax ka jira, Dacawga soo duula.
- Toban bilaawaha wax dila, Daabka wada haysta.
- Toban sinaan doonaysoo, Xeerka dabo joogta.
- Toban saboolka daadahsho, Midigta deeqsiiya.
- Toban dudaysa, Toban uurka dabaysa iyo Toban kaloo doorsan.
- Toban didaysa, Toban dabata ah iyo Toban toban duur-xuloo garab ku daaqaysa.
- Toban da'dii soo kacdaba, Dubata beerkooda.
- Toban daalan, Toban daahsan iyo Toban kaloo duuban.
- Toban dalab leh, Toban loo dawaro iyo Toban daleel joogta.
- Toban daasado wada sitoo, Xagal ka daacaysa.
- Toban daadsan, Tobon dibada jira.
- Toban xoolo daba joogta, Oo doogsin cararaysa.
- Intaasoo is wada doonatoo, Ul iyo diirkeed ah.
- Intaasoo fadhiga daysa, Oo wada dadaalaysa.
- Intaasoo ladnaan wada dagtoo, Daacadnimadana ogaata.
- Intaasoo daryeel wada heshoo, Gaajo dabar goysa.
- Intaasoo dagnaan loogu iman, Oo wada digtoonada.
- intaasoo is daba taagan, Oo cadaw la doodaysa.
- Intaasoo dagaal wada gashoo, Oo duntii Geri Koonbe ah.
- Oo iswada dugsanaysa, daacad-nimana raacdo.
- Inay nacabka iska daafici, Dib u xasuusnaada.
- Inay dib u dhaca ka bixi, Dib u xasuusnaada.
- In uu Geri Koonbe dawlad noqon, Dunidana u talin doona, Dib uga fallooda.
waa gabey wanagsan saaxiib. halkaas ka wad
ReplyDelete