Wednesday, October 3, 2012

GABEY CUSUB: BY MOHAMED IBRAHIM JAMAC




Waxaad halkan ka akhrisan kartaan Gabey Cusub oo uu noo soo gudbiyey walaalkeen Mohamed Ibrahim Jamac. Waxaan leenahay Mohamed waad ku mahadsantahay runtii gabeygu waa mid aad u fiican oo taabanaya Xaalka Beesha Geri maanta meesha ay taalo.(hoos riix gabeyga oo dhan)





Ma dareensan tihiin geriyoow, In aan qayrkeen dabanaalo.

- Gumaystuhuna dirkii kula dhashay, Labo dibleeyeene.

- Labadaadii daan iyo afkii, Daadku kala qaadye.

- Toban doora, toban Daacadoo wada dadaalaysa.

- Toban danna guud jiroo, Dayrshay noloshooda.

- Toban dadwaynaha wax ka jira, Dacawga soo duula.

- Toban bilaawaha wax dila, Daabka wada haysta.

- Toban sinaan doonaysoo, Xeerka dabo joogta.

- Toban saboolka daadahsho, Midigta deeqsiiya.

- Toban dudaysa, Toban uurka dabaysa iyo Toban kaloo doorsan.

- Toban didaysa, Toban dabata ah iyo Toban toban duur-xuloo garab ku daaqaysa.

- Toban da'dii soo kacdaba, Dubata beerkooda.

- Toban daalan, Toban daahsan iyo Toban kaloo duuban.

- Toban dalab leh, Toban loo dawaro iyo Toban daleel joogta.

- Toban daasado wada sitoo, Xagal ka daacaysa.

- Toban daadsan, Tobon dibada jira.

- Toban xoolo daba joogta, Oo doogsin cararaysa.

- Intaasoo is wada doonatoo, Ul iyo diirkeed ah.

- Intaasoo fadhiga daysa, Oo wada dadaalaysa.

- Intaasoo ladnaan wada dagtoo, Daacadnimadana ogaata.

- Intaasoo daryeel wada heshoo, Gaajo dabar goysa.

- Intaasoo dagnaan loogu iman, Oo wada digtoonada.

- intaasoo is daba taagan, Oo cadaw la doodaysa.

- Intaasoo dagaal wada gashoo, Oo duntii Geri Koonbe ah.

- Oo iswada dugsanaysa, daacad-nimana raacdo.

- Inay nacabka iska daafici, Dib u xasuusnaada.

- Inay dib u dhaca ka bixi, Dib u xasuusnaada.

- In uu Geri Koonbe dawlad noqon, Dunidana u talin doona, Dib uga fallooda.

1 comment: