May, 3rd, 2012
Winona, State University, State of Minnesota. USA
Qalin jebintan oo ahayd mid aad looga sow qaybgeley halkaas oo ay ku qalin jabinayeen ardey dhan ilaa 500 oo ardey. Markii aan qiyaasey waxaa ajinebi ka ahaa dadka asalkoda ku dhashey wadan ka: 2 Somali ah. Mustafe iyo Wiil kale oo la dhoho: Ahmed Ali. hal Suudan ah. Hal kenyan ah. iyo 2 Hindi ah. Inta kale ardadaas waxay ahaayeen Dadka cadaan ka ah. Waxaana ku qiyaasey in 70% oo ah ardada ay qabdho ahaayeen.
Mustafe oo ka qalin jebiyey labo daraasood oo kala ah: Bachlor of Art Political Sience iyo Public Administration(double Major) ayaa aad u farax sanaa markii aan wax ka weydiiyey sidii uu dareemayey qalin jabintiisa ka deb.
Mustafe oo taageerayaashiisu aad u badnaayyeen ayaa halkaas waxaa ku weheliyey Xaaskiisa: Amina Ikar iyo Wiilkiisa Adan Mustafe. Waxaa kaloo kasoo qayb galey Xaflada hooyadiis, Xaliimo Suudi, walaaladiis. Mohamed, Abdullahi, Abdi Aniga, iyo qabdho badan oo qaraabada ah, sida farhiyo, Sadiyo, Nadiifo, iyo Xawo.
Halkaas waxaa kaloo joogey oo soo xaadir Ardey aad u badan oo ka mid ah ardeyda uu Mustafe wax baro DIINTA ISLAMKA. Dugsida uu Mustafe hayo oo mid aad u weyn ah, ayaa ardadiisu aysan ka soo wada qayb gelin Xaflada waayo meesha lagu qabtey iyo magaalada uu degan yahay oo aad u kala fog darteed.
Waxaan u rajeyneynaa Mustafe Sh. Abdullahi in uu uga faaiideeyo wax barashadiisa Naftiisa iyo Dadkiisa, Dalkiisa.
qore: Ali Daksale
No comments:
Post a Comment